WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madasho Badbaado Qaran oo dalab xasaasi ah u dirtay Golaha Ammaanka

Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa fariin u diray golaha ammaanka ee Qaramada midoobay xiili lagu wado inay maanta ka shiraan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madashada ayaa warqadda ay direen waxay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan muddo kordhintii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku ansixiyeen qaraar labo sano ah iyo khilaafka ka taagan, iyaga oo codsaday in fariintooda laga hor aqriyo golaha hortooda.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la’aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madasha Badbaado

SOMALI NEWS

To Top