Wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kula kulmay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya,waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo soo celin lahaa wada hadaladii Maamulka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya ka dhaxeeyay oo mudaba soo socday Balse hakad ku yimid.