Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan degaanada gobolka Nugaal laga mamnuucay Urur dimeedyadda Sida Al-Shabaab, Asaadicuuna Bil Xaq iyo Takfiir.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in la bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Kooxahaasi.
Kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda waxaa la faray laamaha amniga in ay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka Nugaal ayaa kulanka ka qeyb galay.