WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Degmada Ceerigaabo oo diiday amarkii Muuse Biixi iyo wararkii ugu dambeeyay ee Gobalkaas-Video

Ceerigaabo (HM)-Wararka aan ka heleyno magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maamulka magaaladaasi ay diideen amarkii kasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana madaxweyne Biixi uu amray in la dhaqan geliyo xaaladaasi deg degaasi.

Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in Gobollada Sool iyo Sanaag marka ay dhibaatooyin ka dhacaan aad loo buun buuniyo, halka Gobollada Galbeedka aysan sidaas ahayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Arrinta ismaadhaafka keentay ayaa ka dhalatay markii labo Sarkaal lagu dilay Gobolkaasi, kuwaas oo laftooda loo heystay in ay Xabsi ku dhex dileen Ganacsade deegaanka ah oo ka doontay deyn uu kulahaa.

Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale diiday xaaladda deg degga ah iyada oo kulan Arbacadii ay qaateen uu buuq ku dhamaaday loona qabtay sabtigii la soo dhaafay hayeeshee ka horba la fasaxa.

Dhawaan ayaa madaxweynaha maamulka Somaliland wuxuu xaalad deg deg ah kusoo rogay deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana la ogeyn sida go’aanka guddoomiyaha degmada Ceerigaabo uu wax uga badali karo go’aanii madaxweyne Biixi

SOMALI NEWS

To Top