WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamul Goboleed ku dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyey shirka Gollaha amniga ee Maamulka oo todobaadkan ay ka qeybgaleen Taliyaha qeybta sedaxaad Ciidanka AMISOM, Sarakiil ka socday dowlada Ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga.

Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur Galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale loo geysto shacabka ku nool Gobolda deegaanada Maamulka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen ayaa u mahadceliyey Sarakiisha laamaha amniga, isaga oo ku bogaadiyey sida ay u gudanayaan waajibaadkooda.

Halkaan riix si aad u Daawo Muuqaalka Shirka dhacay.

SOMALI NEWS

To Top