Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xil ka qaadis ku sameyey xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada halka kuwo kalena isku shaandheyn lagu sameeyey.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Ibraahim Bandhabow ayaa warbaahinta u akhriyey Wareegtada.
Wasiirada xilka ka qaaday waxaa ka mid ah Warfaafinta llyaas Saciid Cali iyo Garsoorka Koonfur Galbeed Maxamed Xassan,
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed waxaa loo magacaabay Ilyaas Cali Nuur, halka Sheekh Xasan Lugbuur laga dhigay Wasiirka garsoorka iyo Cadaalada Koonfur Galbeed.