Ciidamo ka amar qaata Dowladda hoose ee Magaalada Laascaanood ayaa dhibaato weyn ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood,dhibtan ayaa timid kadib markii ciidamadda Maamulka Somaliland oo ka amar qaadanaya maamulka Gobalka ay weerar ku qaadeen xaafado iyo maato degan xaafadda koonfureed ee magaalada Laascaanood iyaga oo u cuskanaya in aysan bixin Cashuurta Dowladda hoose,waxaana halkaas isku dhac ku dhexmaray shacabka iyo ciidamadda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Shacabka ku dhaqan Laascaanood ayaa laga qaadaa cashuur joogta ah oo xaafad ka xaafad iyo wax kasta oo ka shaqeeya hadii ay tahay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo ganacsatadaba,hadana ma jirto wax muuqda oo ay Somaliland dhanka horumarka ka qabatay Gobalka Sool,waxaana marar badan dhaca isku dhac ka yimaadda shacabka oo diidan in laga qaado Cashuur aan waxba loogu qabaneyn iyo Dowladda hoose oo doonaysa in ay si joogta ah oo xoog ah uga qaadato shacabka Cashuur aysan waxba ugu qabaneyn.