WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood maxaabiistii maanta oo qof kasta 50$ lagu sii daynayo & dhaawacyadii oo mid geeriyooday-Video+Warbixin

Laascanood (HM)– Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhaawacyadii maanta ku wax yeeloobay rasastii Ciidamada maleeshiyaadka Soomaliland u adeegsadeen shacabka, sida naloo xaqiijiyey waxaa geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadii 5ta ahaa ee maanta rasaasta ciidanka Soomaliland haleeshay waxaana Cusbitaalka lagula tacaaalayaa 4tii ruux ee kale.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA LAASCAANOOD

Dhanka kalena wararka aan ka helayno Xabsiga dhexe ee Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Taliska Soomaliland ay xidheen maanta in ka badan 40 ruux oo shacab ah kuwaasoo u badan Dumar iyo Carrruur waxaana wararku sheegayaan in qaar kamid ah dadkaas caawa fiidkii Xabsiga ay dib uga soo dayeen Qofkastana laga qaaday si loo siiyo xuriyada 50$ Doller halka intii kalana waalidka iyo eheladooda loosoo diiday kadib markii ay bixin waayeen Lacagtaas.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top