WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Laascaanood Maamulka Somaliland oo ka wadda xoog ku muquunin shacab iyo dhimasho ka dhacday-Video+Warbixin

Maamulka Somaliland ayaa ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool wax ay shacabka reer Laascaanood ugu yeedheen ,,Xoog ku muquunin shacab iyo garda duub aan xaq ahayn,, oo ay sheegeen in uu Maamulka Somaliland ee ka arrimiyaa Laascaanood ku doonayo in uu wakiil iyo goob joogid uusan shaqo ku lahayn ka ahaado dhulal iyo arrimo Hantiyeed oo uusan jirinba markii la kala saxiixday isla markaana ay hadda doonayaan xubnaha Dowladda hoose ee Laascaanood in ay qasab iyo qori caaradii ku fahmaan waxa golaha lagu hayo taas oo ay sheegeen shacabka Laascaanood in ay qalad tahay.

Hal Qof ayaa dhintay kadib markii uu iska hor imaad ku dhexmaray Xaafadda koonfureed ee Magaalaada Laascaanood askar ka tirsan Dowladda hoose ee Maamulka Somaliland ee jooga Magaalada kuwaas oo doonayey in ay xoog iyo ogaysiis la,aan ku burburiyaan Guryo door ah oo Xaafaddaas ku yaal,intaas kadibna waxaa dhacay in ay iska hor yimadaan shacabkii Xaafadda iyo Ciidamadda Maamulka Somaliland oo hubeysan,halkaasna uu ka dhasho khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed.

Odayaasha Xaafadda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay wada waxay ugu yeedheen dhul boob iyo xoog aan loo aaba yeelin oo arxan daronimo ku lamaan tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

ilaa qabashadii Laascaanood uu Maamulka Somaliland la wareegay 2007-dii Shacabka ku dhaqan Laascaanood waxaa ay ahaayeen kuwo si joogta ah ugu baxayey gacanta kuwo aan u naxayn oo aar goosi xoogan iyo gacan cadowtnimo kula dhaqmaya,waxaana aalin kasta Somaliland ay Laasaanood ku xidhaa,ku dishaa,oo ku xadgudubtaa haldoorkii Deegaanadaas.

SOMALI NEWS

To Top