WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Kulan laga yeeshay xuska maalmaha xorriyadda dalka iyo Wasiir Dubbe oo…

Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa kulan la qaatay hay’adaha amniga kana dhagaystay warbixin ku saabsan maalmaha muhiimka u ah Qaranka ee xorriyaddaha.

Kulankaan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Maxame Dubbe oo ka Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa looga hadlay hawlaha dardar gelinta maalmaha xoriyadda oo fooda inagu soo haya.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa Wasiir Dubbe uga Warbixiyay diyaar garoowga ku aadan dhinaca amniga ee xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ee fooda nagu soo haaya.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Guddiga in ay hortaalo howlo oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61-guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA

Guddiga qaban-qaabada ee xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan qabsoomida Munaasabadaha oo dhan ee maalmaha xoriyadda oo laga xusi doono dalka.

SOMALI NEWS

To Top