WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Korneyl Caare oo u digniin siiyey Nuux Taani-Video

Laascaanood (HM) –Korneyl Caare, horjoogaha Jabhadda loogu magacdaray “Dulmi-diid” ee dagaalka kula jirta maamulka Somaliland oo maanta goor hore kasoo muuqday Baraha Bulshada ayaa sheegay inuu wada hadal la galayo Maamulka Hargeysa, Caare ayaa soo Bandhigay qodobo sadex ah oo uu sheegay in la isku afgartay in la dhaqan galiyo.

 

In nabad la raadiyo

In xabad-joojin la sameeyo

In wada hadalo la furo

Korneyl Caare ayaa Geesta kale, qaar kamid ah saraakiisha Ciidamadda maamulka Somaliland gaar ahaan ragga ugu awooda badan ee xilalka sarre haysa ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedan “dedaaladda nabadda” ee uu waddo.

“Marka aan soo galo aniga oo nabad wadda, waxaan la kulmayey dhibaatooyin aad u culus oo taliye Nuux [hogaanka taliska ciidamadda Somaliland] uu ka dambeeyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Iyadda oo xafiiska Biixi uusan wali ka hadlin wada hadalada oo la sheegayo in ay meel xasaasi ah marayaan, haddane Caare oo sii hadlay ayaa wuxuu ka digay in la isku dayo in awood loo adeegsado.

“Jabhaddan waa mid hubeysan oo golaheeda dhexe leh oo odayaasheeda leh, ma ahan qof qoorta lasoo qabanaayo oo la hogaaminayo. Hadii ay laba qaybood u qabsameyn oo qaybi qabatay Hargeysa qaybina fadhido Ceerigaabo, oo ay suurtogelin waayeen arrintii aynu ku balanay cawaaqib xumada ka imaan doonta cid baa mas’uul ka noqon doonta,” ayuu xusay.

Isku dhacyadda Jabhadda Caare iyo maamulka Somaliland oo muddo socda ayna ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah, si lamid ah barakac ah shacab, ayaa xukuumada Biixi ku noqotay laf-dhuun gashay, waxaana sida fiinta uga qayliyey xubnaha kala duwan ee maamulkaas.

SOMALI NEWS

To Top