WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus oo laga helay magaalada Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Kiisaskii ugu badnaa ee 24 saac gudahood laga diiwaangeliyay magaalada Muqdisho ee cudurka Coronaviruska ayaa gaartay 32 sida ay shaacisay Wasaarada Caafimaadka dowlada federalka.

Cudurka Coronaviruska ayaa sidoo laga helay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama iyadoo guud ahaan ay gaartay lixdan ruux dadka qaba cudurka Coronaviruska.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

HALKAN KA DAAWO WARKA

52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan yihiin guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay guryahooda ku nagaadaan haddii aysan jirin arrimo muhiim u ah noloshooda.

 

 

SOMALI NEWS

To Top