WARARKA SOOMAALI

Daawo Kheyre oo khudbad xasaasi ah kajeediyey shirka Doha Forum +video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay shirka Doha Forum ee looga hadlayo arrimaha siyaasada, dhaqaalaha, xaaladaha gobolka iyo arrimo kale.

Khudbada Ra’iisul Wasaaraha oo aheyd luqada English-ka ayaa luqada Carabiga loogu turjumayay Madaxda kale ee shirka ka soo qeyb galayay.

Waxaa uu diirada ku saaray khudbadiisa xaaladaha amni ee ka jira Soomaaliya, dagaalka Shabaab, arrimaha bani’aadanimada iyo horumarka ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday in wax laga qabto xaaladaha abaareed ee ka jira dalka.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madax kale.

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

SOMALI NEWS

To Top