Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl- gal argagaxisada looga saarayo deegaannada shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.
Ciidanka oo loo soo gabagabeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay argagaxisadu shacabka ugu gumaadi jireen.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ballan qaaday in xaquuqda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.
Xerada Gen. Gordan ee lagu tababaray ciidamadaan waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo argagaxisada looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka, halkaas oo ciidanku ay ka hir geliyeen dhaqanno wanaagsan iyo is-dhex gal bulsho oo horseeday in ciidanka iyo bulshadu ka wada shaqeeyaan horumarinta nabad-gelyada.