Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax barqadii Maanta ka dhacay Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo ilaalo u aheyd Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka dad kale oo shacab ahaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo goobta ka agdhawaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah u baaqay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la xaqiijiyay inuu qaraxaas ka badbaaday Imaam Maxamed Yuusuf oo la socday gaariga.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka Qaraxu laga soo duubay.