Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay tiro hoobiyeyal ah oo Maana ku soo dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wartanabada ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda laga maqlay degmooyinka Muqdisho.
Hoobiyeyaasha oo ahaa ku dhawaad lix ayaa waxaa ay ku dhaceen guryo ku yaalla suuqii hore ee degmada Wartanabadda, safaaradda Jarmalka, kuwas oo ku yaal dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo kaam ku yaal agagaarka Godka Jilacow oo u dhow taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.
Laba hoobiye oo ku dhacay Guryo ku yaal Wartanabadda ayaa waxa ku dhintay laba ruux oo kala ahaa Wiil & Gabar galka Hoobiye ku dhacay agagaarka Godka Jilacoow uu ku dhintay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdi Colow/