WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Khasaaro badan oo ka dhashay Qarax lala eegtay Taliye Farxaan Qaroole

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax Is-miidaamin ah oo daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo jugtiisa siweyn looga maqlay degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Taliyah Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xili uu marayay wadada.AKHRISO

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan oo la tilmaamay in lala beegsaday kolonyo uu la socday.

Gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas ayaa ka socda aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas isku gadaamay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top