Nairobi (HM)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay sharuudo adag oo dowladda Kenya ay soo bandhigtay iyada oo ka jawaabeysa hadalkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Sida ay baahisay warbaahinta dalkaasi, Kenya ayaa sharuudahaasi u aragta inay xal u yihiin dhameynta xiisadda cusub ee ka dhex taagan labada dowladood, waxaana sharuudaha ay u muuqdaan kuwo aysan aqbal saneyn dowladda Soomaaliya marka loo eego jawaabto Xalay ay bixisay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.
Sharuuda Koowaad ayaa lagu sheegay inay tahay in Soomaaliya ay ka noqoto qeybta Soohdinta Badda oo Kenya ay u aragto inay leedahay ee lagu suuq geeyay shirkii ka dhacay magaalada London.
Qodobka labaad ayaa warbaahinta Kenya waxay ku sheegtay in Kenya ay dalbatay in dowladda ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn.
Qodobka Seddexaad ayaa lagu sheegay in Kenya ay dalbatay in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaaraan, iyada oo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.
Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkii xalay kasoo baxay waxaa ay ku sheegtay in marnaba aysan dhulkaasi muran gelin garin islamarkaana ay ka taagan yihiin mowqifkii ahaa in dhulka Soomaaliya leedahay.
Xiisadda siyaasadeed ee labada dowladood ayaa hadda yeelaneysa waji kale, waxaana dowladda Soomaaliya kaliya ay ka jawaabtay qoraalka Kenya kasoo gaaray 8 Bishan maalin kadib markii uu soo dhamaaday shirkii London.