Muqdisho (HM)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga ee Kenya Fred Matiangi oo gaadhay magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xiisada u dhexeeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matangi ayaa kulankan kadib waxa uu bartiisa Twitterka ku daabacay in ay ka wadahadleen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sidii loo xalin lahaa Khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xuduudka labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sanadkii hore waxa uu kulamo la qaatay madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kenya uu ku tegay Addis Ababa ayaa waxa ay timid kadib markii uu dhowaan uu kula kulmay magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo una gudbiyay casuumaad uu uga sidey Madaxweyne Kenyatta taasoo uu aqbalay Madaxweyne Farmaajo.
Xiisada labada dal ayaa darsatay kadib markii uu dagaal Khadhaadh xuduuda fog ee labada dal ku dhexmaray Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo Ciidamada Daraawiishta jubaland oo difaacaya wasiirkii amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Janan oo 28janayo ka baxsaday goob uu ugu xidhnaa Dowladda Soomaaliya oo ku eedaysay Dambiyo ka dhan ah Xaquuqul iinsaanka.
Beesha Caalamka ayaa ka qaylisay Xiisada waxaana ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan labada dal isla markaana xiisada lagu dhameeyo wada hadal aan dhiig ku daadan.
Ma cada wakhtiga rasmiga ah ee uu Madaxweyne Farmaajo tagi doono Nairobi si uu kula kulmi Madaxweynaha Kenya hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo wuu ka aqblay warqada uga timid dhigiisa.