WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Jeneraal Xuud oo caddeeyay mowqifkiisa Ciidamada la geeyay Baladweyne

Jeneraal Abuukar Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay wada-hadal uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jeneraal Xuud oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay kulan yeesheen, ayna ka wada hadleen sidii uu ugu tanaasuli lahaa qaranka iyo dowladnimada Soomaaliya, taasina uu qaatay inuu qaranka u tanaasulo.

Wuxuu sheegay Xuud in weli uusan ka tanaasulin kacdoonka Gobolka Hiiraan ay uga soo horjeedan dhismaha Hirshabeelle, isla markaana uu sheegay in Soomaaliyada dhibaato badan ay soo martay, loona baahan yahay in la heshiiyo oo aan la is qab-qabsan xiligaan.

Jeneraal Abuukar Xuud ayaa tilmaamay in Farmaajo uu u istaagay Soomaalinimada, uuna uga mahadcelinayo sida uu u soo dhaweeyay, wuxuuna caddeeyay in Ciidanka Baladweyne la geeyay ay yihiin Ciidamo Qaran oo wata howshooda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Jeneraal Xuud oo caddeeyay mowqifkiisa Ciidamada la geeyay Baladweyne
To Top