WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jen Cabdi Qaybdiid oo cabsi xooggan ka qaba in la dilo iyo waddamo shisheeye oo-Video

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa hadlay dhacdadii lagu  weeraray gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore 2017, ayaa sheegay in weerarkaas la doonayay in lagu khaarijiyo, isla markaana ciidamada ka dambeeyay ay ahaayeen Ciidamo laga soo amray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo uu maamulo Imaaraadka Carabta, iyagoo kaashanayay Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in weli ay jirto Khatar ah in la doonayo in khaarijiyo, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka labada gole in arrintan Guddi u saaraan, maadaama ay xadgudub ku tahay ammaanka Qaranka.

“Weli waxaan dareensanahay iney jiri karto khatar igu wajahan iyo qoyskeygaba, qof kasta oo madaxda qarankana ay ku imaan karto, dowladda Federaalkana xil ka saaran yahay dhowrista amniga iyo xasiloonida dhammaan shacbka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaan ka codsanayaa xubnaha baarlamaanka federaalka oo ka kooban Labada aqal iyo guddoonkooda iney guddi u saaraan goleyaasha si ay usoo hordhigaan arrintaan horseedi karta qatar ku wajahan jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed, maadaama ay caddahay iney jirto farogelin shisheeye ee keeni karta burbur iyo xasilooni darro”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa Sidoo kale uu sheegay inay jirto faragelin qaawan oo shisheeye, inkastoo aanu sheegin cida faragelintaas wada.

SOMALI NEWS

To Top