Labo Hay’ado Samafal oo Caalami ah ayaa sheegay inay Dowladda Ethiopia xayirtay Hawlgaladii ay ka wadeen Gobalka Tigrayga.
Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF iyo Golaha Qaxootiga Norway ee MRC waxay sheegeen inay Dowladda Ethiopia ka xayirtay Hawlahoodii bishii la soo dhaafay ee July 30-dii.
Afhayeenad u hadashay MSF waxay sheegtay in muddo 3 bilood laga joojiyey Shaqooyinkii ay ka wadeen Goballadda Tigray, Amxaardada, Gambella iyo Soomaalida ee Ethiopia.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO
Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay bishii hore ku eedeeysay Hay’adaha Samafalka Caalamiga inay door ku leeyihiin Taageerida iyo Hubeynta ee Dagaalamayaasha Tigrayga ee dagaalka ka wada Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi.