Qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Gobolada SSC oo Maalmihii ugu dambeeyay Shir uga socday deegaanka Buuro-wadal ee Gobolka Sool ayaa Soo saaray Go’aano kala duwan oo ay uga hadleen Xaalada deegaanada iyo Weerarkii dhowaan ciidanka Somaliland ay ku qabsadeen Tukaraq.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Isimada ayaa ugu baaqay Bulshada deegaanka in loo midoobo Xoraynta deegaanka, waxayna shegeeen inaysan Mardambe Gacmaha Laaban doonin, Waxay Fariin adag u direen Maamulka Somaliland, Waxay sidoo kale shirkooda Laga Akhriyey Bayaan ku aadan Qabsoomida Shirwayne ay horey ugu dhowaaqeen.