Boosaaso (HM) -Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Jaziirada Malta ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dilkii shalay ka dhacay dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda P&O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ruuxaasi ku geeriyooday ay sidoo kale la dhaawacmeen seddex kamid ah shaqaalaha Shirkadda oo mid kamid ah la sheegay inuu u dhashay dalka India.
Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Boosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World.