WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ilhaan oo ka jawaabtay eedeyn uga timid shaqsi Hooyadii la khaarijiyey-Video

Muqdisho (HM)-Ilhaan Cumar, oo kamid ah xeer-dejinta Mareykanka, ayaa waxay ka jawaabtay eedeyn uga timid shaqsi ay hooyadii ku geeriyootay weerarkii daaraha mataanaha ee Mareykanka.

Duulaankaasi oo dhacay sanadkii 2001-dii, dhowaana laga xusay guud ahaan dalweynaha Mareykanka, ayaa waxaa geysatay kooxda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Ruux la sheegay in ay hooyadii ku naf-weysay dhacdadaasi ayaa wuxuu aad u dhaliilay hadalo ay Ilhaan ka yiri musiibadaasi.

HALKAN KA DAAWO

Iyadda oo iska difaaceysa eedeynta ruuxaasi ayaa waxaa sheegtay in ay waajib ku tahay in ay tiiraanyadda la wadaagto ehelada xubnooda ku waayey mashaqadaasi galaafatay laba kun oo qof.

“Ameerikaan badan ayaa xuquuq helay kadib dhacdadaasi, kuwaasi oo haatan haysata,” ayay hadalkeeda raacisay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed balse qaadatay dhalashada Mareykanka, ayaa waxay dhaleeceyn culus ku muteysatay hadaladaasi ay tiri, taasi oo sabab uga dhigtay in ay la kulanto hanjabaadyo dil ah

SOMALI NEWS

To Top