Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah…
Ciidamada Booliska ayaa howlgalka intiisa badan waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, iyagoona kusoo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro oo la isugu geeyay goob barxad ah.
Ciidanka Booliska ayaa kala saaray dhalinyarada howlgalka lagu qabtay, isla markaana qaarkood sii daayay, halka kuwo kalena ay horey u wateen Ciidamada, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro oo ka dhacay Muqdisho.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Habeen horey ayey aheyd markii sidaan oo kale Cidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ay howlgalka qorsheysan uga sameeyeen degmada Hodan ee Gobolka, iyagoona kusoo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo intooda badan lasii daayay.