Muqdisho (HM)-Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku sifeysay cudurka Coronovirus inuu yahay mid saf mar ah oo masiibo ku ah caalamka.
Cudurkan ayaa waxaa uu ku dhacay dad gaaraya 118,000 halka ay u dhinteen 4291 ruux uuna gaaray illaa 114 dal.
“Waxaan ugu baaqayaa wadan walba inuu tallaabo deg-deg oo xoog leh qaado,waan garaacnay gambaleelkii halista ahaa.”ayuu yiri madaxa Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Hoggaamiyaasha dalalka Midowga Yurub ayaa ballanqaaday inay qaadi doonaan tallaabo walba oo lagula tacaalayo cudurkan markiisii ugu horeysay lagu arkay dalka Shiinaha dhammaadkii sanadkii hore.
Caabuqa Coronovirus ayaa gaaray Maraykanka waxana uu ka soo muuqday dalal horleh sida Bolivia iyo Turkiga halka wadamada Indonisia iyo Sweden ay u dhinteen dad uu soo ritey cudurka.
Hase yeeshee Jaamacada John Hopkins University.ayaa shaacisay in dad gaaraya 66,000 oo ruux ay ka reysteen cudurkan Coronovirus.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
WARARKII U DAMBEEYAY EE CUDURKAN;
IRAN
Madaxweyne ku xigeenka dalka Iran iyo labo wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada dalka Iran ayaa laga helay cudurkan Coronoviruska.
Wakaalada wararka ee dalka Iran ayaa shaacisay warkan iyadoo maalmihii la soo dhaafay aan lagu arag meel fagaare ah Madaxweyne ku xigeenka dalka Iran.
RUSSIA
Dowlada Ruushka ayaa joojisay dhammaan duulimaadyadii lagu tagayay amaba ka imanayay dalalka Talyaaniga,Faransiiska,Spain iyo Jarmalka.
ITALY
Dadka cudurkan ugu geeriyooday dalka Talyaaniga ayaa gaartay 827 ruux iyadoo 24kii saac eeugu dambeeyay la soo weriyay inay u geeriyoodeen cudurkan dad gaaraya 196 ruux.
Guud ahaan tirada bukaanada ee laga helay cudurkan dalka Talyaaniga ayaa gaartay 12,462 halkii ay hore ugaga ahayd 10,149, sida laga soo xigtey hay’ada u qaabilsan dhowrista dadka rayidka ah.
SWEDEN
Qofkii ugu horeeyay ayaa cudurkan ugu geeriyooday dalka Sweden isagoo la sheegay inuu qofkaasi ahaa ruux da’ ah oo ku jirey qeybta deg-degga ah ee isbitaal ku yaal Stockholm.
Illaa 460 ruux ayaa laga helay cudurkan gudaha dalka Sweden iyadoo qofkii ugu horeeyayna laga helay dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkan.
QATAR
Tirada bukaanada laga helay cudurkan ee dalka Qadar ayaa gaartay 262 ruux iyadoo 238 ruux la ogaaday inuu hayo cudurkan 24kii saac ee la soo dhaafay.
Dhamaan bukaanada ugu dambeeyay ee gaayay 238da ee laga helay cudurkan ayaa ah dad aan u dhalan wadanka Qadar waxayna la xiriireen dad hore looga helay cudurka.