WARARKA SOOMAALI

Daawo Haween Xoolo dhaqato ah oo ay Maleeshiyaad Afduubteen & Sababta…..

Waxaa Faah faahino laga helayaa Labo haween ah oo lagu Afduubtay Deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Haweenka ayaa la sheegaya in ay afduubteen Rag maleeshiyaad ah kuwaas oo hubyesanaa kadibna xoog ku ka xeystay Labada Haweenka ah waxaana uu falka Afduubka uu ka dhacay Deegaanka Gelinsoor.

Cali Siciid Axmed Guddoomiyaha Deegaanka Gelinsoor ayaa xaqiijiyay in Labada Gabdhood ee laga afduubtay Deegaanka uu gudoomiyaha ka yahay in lagu hayo Deegaanka Kaxan dhaale.

HALKAN RIIX OO DaawO 

Waxaana Afduubka Haweenkan lagu sheegay in uu salka ku haayo Isku dhac beeleed oo waayadan ka taagnaa Deeganada Gobolka Galgaduud, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Haweenka la Afduubtay ay ahaayeen Dad xoolo dhaqato iska ahaa.

Degaanka kaxan dhaale waxaa jooga Ciidamada Liyuu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia waxaana inta badan Ciidamadaas ay dhibaato ka geystaan Deegaanada Gobolka Galgaduud sida Gelinsoor oo u dhaxeysa Xadka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

SOMALI NEWS

To Top