Deni ayaa ku dhawaaqay Shirweyne wadatashi oo 15. March 2020 lagu qaban doono Garoowe, Shirkaasi oo ay ka qeybgeli doonaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku metala Dowladda Federaalka ah, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaalaynta Soomaaliya.
intaas wixii ka dambeeyay shirkaas wuxuu noqday mid aad loo wada sugayey isla markaana inta badan Bulshada Soomaalida waxaa uu ahaa shir ay isha ku haysay sidoo kale Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ayaa isha ku hayey dowladda Soomaaliya shirkaas way soo dhawayse goor dambe.
Intii shirkaas la sugayey Bulshada Soomaalidu waxaa ay isla dhexmarayeen waydiimo kala duwan oo ah ay ugu tun rooneyd Puntland ma waxay ku dhawaaqi doontaa gooni isku taag iyo arrimo la mid ah madaama Khilaaf daba dheeraaday uu ka dhex aloosnaa Dowladda hada jirta.
HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA
Arrimahaas waxay socdaanba 15kii bishan Maaj shirkii wuxuun ka furmay Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul gobaleedka Puntland waxaana shirkaas furay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni shirka oo ay kasoo qayb galeen ergooyin kor u dhaafaya 1400 oo ergo, oo iskugu jira Golayaasha kala duwan ee Puntand, Siyaasiyinta kasoo jeeda Puntland madaxweynayaashii hore ee Puntland, Odayaasha dhaqanka, Xubnaha ku matela Dowladda Federaalka puntland oo iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano.Shirka oo sadex cisho ka soconayey Garoowe 17kii bishan maaj waxaa kasoo baxay warmurtiyeed u muuqday inuu Khilaafkii jiray dab kusii shiday, ugu horaynba war murtiyeedka waxaa akhriyey Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan Dowladdan hada jirta Cabdi Faraax Juxa oo kamid ah xubnaha mucaaradka ah ku ah Dowladda Farmaajo, Juxa wuxuu aad ugu nuux nuuxsaday qodobadii lagu dhaliilayey Dowladda Federaalka iyadoo xitaa isagoo akhrinaya ay gaadhay inay madasha isaga baxaan xubno kamid ah wasiirada Dowladda Federaalka oo dhibsaday qodobada iyo Juxaba.
Qodobada ay xubnaha Dowladda Federaalku aadka u dhibsadeen waxaa kamid ahaa.
Madaxweynaha Puntland oo Shirka soo xidhay wuxuu ku dhawaaqay in Puntland ay dhigayso gogol lagaga wada xaajoodo aayaha soomaaliya si loo xaliyo Khilaafka jira wuxuuna intaas ku daray in uu tagi doono Muqdisho iyo qaar kamid ah magaalo madaxyada Dowlad gobaleedyada dalka si loogu gogal xaadho shirka.
Shirkii wuu soo dhamaaday wuxuuna noqday mid abuuray guux xooggan Soomaaliduna way ku kala qaybsameen inta badana wuxuu la kulmay warmurtiyeedka shirkaasi dhaliilo xoogan marka laga reebo qodobadii sida gaarka ah u khuseeyay ayaaha Puntland.
20kii bishan maaj qaar kamid ah Xubnihii ka socday Dowladda Federaalka oo shir jaraaid ku qabtay Garoowe waxaa ay soo dhaweeyeen Socdaalka Deni ee Muqdisho hase ahaatee waxaa ay sheegeen in qodobo kamid ah warmurtiyeedka shirka aysan waxba kala socon isla markaana la iska maroorsaday Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo waraysi siinayey Telefashinka Soomali Cable ayaa sidaas ka dhawaajiyey.
Hadalka Wasiirada Dowladda Federaalka ee Shirka qabtay waxaa jawaab deg deg ah ka bixiyey iyaguna Golaha wasiirada Puntland wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in hadalka xubnaha Dowladdu uu ahaa mid aad looga xumado wuxuuna sheegay in shirkii Garoowe uu aysan ahayn mid Dowladda Federaalka Soomaaliya waxba ka quseeyaan.
Sidoo kale waxaa laba u kala jabay xubnihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Garoowe ku sugnaa qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka oo Garoowe iyaguna xalay shir jaraaid ku qabtay waxay sheegeen in aysan wasiiradii hadlay aysan ku matlin hadalkii Warmurtiyeedkii shirkana ay tageersan yihiin.
Arrintu halkaas markay joogto Magaalada Muqdisho waxaa maanta warbaahinta kula hadlay Gudiga doorashooyinka Soomaaliya Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya Xaliimo Yarey waxay soo dhoweysay sharciga doorashooyinka iyo guddiyada loo xilsaaray dhaqan galinta Xaliima yarey oo ah Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka codsaday goleyaasha sharci dejinta iney dedejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga Xisbiyada oo hadda horyaala Golaha Shacabka si xisbiyada ugu gudbaan xisbiyo rasmi ah oo sharciyad u leh iney ka qeyb galaan doorashada 2020/21.