Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xalay saqdii dhexe booqday xarumaha Ciidamada Dowladda ee degaanka Siinka Dheer oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Thaabit ayaa xalay Ciidamada uu booqday siiyay casho, wuxuuna saraakiisha Ciidamada ka wareystey xaaladaha guud ee ay ku shaqeeyaan iyo waxyaabaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin, waxayna saraakiisha ka warbixiyeen qaabka ay u wadaan shaqada.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha sanadkii hore ee 2017 inuu ahaa sanad adag oo la soo maray duruufo kala duwan, lana qaaday talaabooyin wanaagsan, oo ay horseed u yihiin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.
Duqa Muqdisho ayaa Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa ku sugan duleedka Muqdisho ku ammaanay qaabka ay u shaqeynayaan, wuxuuna ku dalbaday in ay laba laabaan shaqadooda, sanadkan bilowga ah.