Garoowe ( HM ) Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed ayaa ka hadlay joogitaanka Deegaanada Puntland Col. Caare oo dhawaan isaga iyo Jabhadiisa kasoo goostay Ciidamada Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Col caare damiciisa Puntland uu yahay sidii Maamulka Somaliland uu ugu gacan galin lahaa qaybo kamid ah dhulka Puntland, Sida uu hadalka u dhigay. Caarre Waa nin Doonaya in Deegaanada Puntland
“Dhibaatada hada taagan waa ninka Caarre ee jooga Qardho, Wuxuu u egyahay nin doonaya inuu Somaliland u Qabto Dhulka Puntland, Balse aan u muuqan Nin Mucaarid ah, Wuxuu ka Faa’iidaysanaya Xukuumadda Cusub oo aan Saldhigin, Xiligii Dawladdii Hore Dhaqdhaqaaq muu Samayn jirin, Balse hada ayuu ka Faa’iidaystay kala Guurka.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha.
Dhinaca kale Wuxuu Dhaliilay Shacabka iyo Waxgaradka magaalada Qardho, Isagoo sheegay inay Kasoo Horjeedaan Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxwayne Siciid Deni.
“Qolada Qardho joogta Dawladda Mucaarid ayay ku yihiin, Nimanka odayaasha iyo Hormuurka u ahaa Qardho, Arinta Caarre inay Raad ku leeyihiin waa wax dhici kara, Balse ma hubo” Ayuu yidhi Gudoomiye Dhoobo.
Dhinaca Arintan ayaa siwayn Xiisad uga dhalisay Puntland, Waxaana laga Codsaday inuu Raalli gelin siiyo Bulshada ku dhaqan magaalada Qardho. “Madaxwayne Siciid DENI waa nin laga taageersan yahay Qardho oo uu u dhashay, Lugaha ma haystaan dadkiisu, Xaasha Gudoomiye Dharka ayaa ka dhacay, ee Raalli Gelin ka bixi Hadalka “ Ayuu yidhi Aqoonyahan C.laahi Maxamed