Wararka ka soo baxaya Khilaafka iminka soo kala dhex galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in Guddiga loo saaray Khilaafka Mooshinka.
Warar hadda la helayo ayaa sheegaya in khilaafka meel adag marayo dadka ay ka war dhowrayaan xaalka halkuu ku danbeyn doono.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa iney saakay kulmaan,islamarkaana ka hadlaan arintaan khilaafka badan hareysay ee mooshinka laga gudbiyay Jawaari.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in gacan ku heynta amaanka xarunta Baarlamaanka ay la wareegeen Ciidamo cusub,kuwaasi oo si toos ah uga amar qaata Laanta Fulinta.