Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa soo xiray tababar muddo 3 cisho ah u socday Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaayay kulan lagu soo xirayay tababarka ayaa kula dar daarmay inay ilaaliyaan daah furnaanta doorashada iyo in si cadaalad ah ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga u sheegay inay horyaalan shaqooyin farabadan oo ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya oo ugu horreeyso diyaarinta Jadwalka doorashada oo faah faahsan iyo Arrimo kale oo muhiim ah qabsoomida doorashada.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Cabdixakiin Xasan Ashkir Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay in guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khikaafaadka ay saarantahay mas’uuliyad adag, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay si cadaalad ah uga soo dhalaali doonaan mas’uuliyadda loo igmaday.