WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddigii Dowladda iyo Bulshada Garbahaarey oo heshiis gaaray

Guddigii uu Ra’iisul Wasaraaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay dib heshiisiinta gobolka Gedo oo dhawaan gaaray magaalada Garbahaarey ayaa shirar la lahaayeen odayaasha dhaqanka, maamulka Garbahaaray iyo bulshada qeybeheeda kala duwan ku soo gabagabeeyey magaaladaas.

Shirarkii Dib u heshiisiinta ee ku saabsanaa dhanka doorashada ee ka socday Magaaladda Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ugu danbeyn laga soo saaray go’aano ay wada gaareen dhinacyada.

Bulshada ku dhaqan deegaankaas ayaa guddigan oo wasiiro ah waxa ay ku wareejiyeen magacyada xubnaha noqon doona maamulka degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo kadib markii ay sameeyeen la tashiyo badan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Guddiga oo ka koobnaa wasiiro ka tirsanaa maamul goboleedyada, marka Laga reebo Jubbaland ayaa sido kale waxbixino ka dhageystay bulshada qeybeheeda kala duwan, waxaana Bulshada Magaalada ay sheegeen inay diyaar u yihiin in Garbahaarey ka dhacdo doorashada Baarlamaanka Federaalka.

SOMALI NEWS

To Top