Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacantaag ah Ku aqbalay in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, Codeyntii la qaaday waxaa aqbalay 140 Xildhibaan, majirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xildhibaannada ay cod aqlabiyad leh Ku meel mariyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, isagoo intaa ku daray in sidan uu ansax ku yahay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka laabtay Go’aankii muddo kordhinta labada sanno ay u sameeyeen Madaxweynaha dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’addaha dowladda.