WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Muqdisho oo dib loo furayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Duraan Axmed Faarax iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay Garoonka diyaaradaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Kormeerka Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay lana filayo in muddo kadib dib loo howlgaliyo.

Wasiirka Gaadiidka oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Garoonka Dayniile ayaa sheegay in kormeerka ujeedkiisu ahaa sidii loo qiimey lahaa in garoonka la howlgaliyo si culeyska badan looga yareeyo Garoonka Aadan Cadde.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Waxa uu sheegay Wasiirka in garoonka Dayniile si qurux badan loo diyaariyay kana wanaagsan yahay garoomo badan oo ku yaala dalka, waxaa uuna shaaciyay in dib loo howlgalinayo Garoonka si ay uga soo degaan diyaaradaha yar yar ee gobolada aada iyo sidoo kale kuwa jaadka keena.

SOMALI NEWS

To Top