Garoowe ( HM ) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ah Isimada dhaqanka Gobolada SSC, Islamarkaana kamid ahaa Madax dhaqameedkii Wax ka dhisay Puntland, ayaa Hadal ka jeediyey Shirka maanta ka Furmay magaalada Garoowe ee Wadatashiga puntland.
Garaaka ayaa sheegay in lagu yidhi Hadal badan ka Odhan, Balse wuxuu ku Dardaaramay in Go’aanada kasoo baxaya Shirka lagu daro Gobolada Puntland ay Somaliland ka haysato.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Rag baa ii yimadoo oo yidhi ha hadlin, wax badan ha odhanin, Raggii Puntland dhisay 5 baan ka joognaa maanta, go’aanka soo baxayaa dhulka maqan ha lagu daro, Puntland waa kala Qaaran tahay, kuwii hore kuma diririne ku dirir adigu Madaxweynow, Waxba lama qaban, dad badan baa ku dhargay Puntland, Dadna waa-kaa, oo Cadow xun baa jira oo Dhulkoodii Haysta, Ninkaan Ogayn waa yeelkadii” ayuu yidhi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed