Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dhegeysatay Ganacsato ku eedeysan inay dalka soo gelin jireen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa, ayna u gudbin jireen A-lshabaab.
Ganacsatadan ayaa gaaraya todoba xubnood ayaa waxaa maxkamadda ka maqnaa laba ka mida, iyadoo magacyadooda kala yihiin:
Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed, Cabdisalaan Cusmaan Maxamed, iyo laba eedeysane oo maqane baxsad ahaa.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Xeer ilaalinta ku soo eedeeysay inay dekadda Muqdisho kasoo dejin jireen, maadooyin kala duwan oo laga sameeyo qaraxyada, Jaakada Qaraxyada, Computero iyo Agab Ciidan.
