Boosaaso ( HM) Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Boosaaso ayaa ka Warbixiyey howlgalo ciidamada amaanku ka fuliyeen gudaha magaalada.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan afar nin oo uu xusay taliyaha in ay ka dambeeyeen dilkii habeen ka hor magaalada Boosaaso loogu geystay Salaad Cabdi Cukaash oo kamid ah ganacsatada magaalada.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro dhac iyo furasho Moobeel u geysan jiray dadka shacabka ah waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa in saldhigyada boosaaso ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo loo qabtay falal la xiriira furasho moobeel.