Boorame (HM ) Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa Su’aalo kala duwan Hor dhigay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Kulan Siyaasadeed Xaalada Somaliland looga hadlay ku Qabtay Boorame.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ugu horayn Samatar ayaa wax laga waydiiyey Hankiisa Siyaasadeed, Wuxuu uga soo Cadhooday Koonfurta Soomaaliya inay hada ka Jirto Somaliland iyo Arimo kale, kuwaasi oo uu ka bixiyey Jawaabo kala duwan, Wuxuuna dadkiisa ku dhaliilay inay Furan waayeen Xisbi siyaasadeed, maadama Saddexda xisbi ay kasoo wada jeedaan hal Qoys.
Dhinaca kale Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa Madasha lagu hordhigay Su’aalo kala duwan, Waxaana dadkii Halkaasi wax ku waydiiyey kamid ahayd Gabadh kasoo jeeda deegaanada Khaatumo, oo Waydiisay Halka uu dhigay Dawladdii khaatumo ee loo doortay laguna ogaa. ?