Jigjiga ( HM) Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) iney deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam oo u warramay wargeyska The Reporter oo ka mid ah wargeysyada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer dalka Itoobiya ayaa sheegay iney shirkadda baaritaan muddo wadday ay ku heshay keyd gaaska dabiiciga oo garaya 1.6 Trillion laga helay Deegaanka Hala-quraan.
“Hadda waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan gaaskaasi dalku uga faa’ideysan lahaa iyo siyaabaha ugu habboon oo lagu suuq geyn karo.” ayuu yiri Guang.
Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Greencom ayaa wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ka codsatay iney gaaska dabiiciga ee la helay ay soo saarto. Greencom waxay soo jeedisay qorshe ku aaddan gaaska dabiiciga iney soo saarto ayna gaaskaasi ka soo saarto shidaal nocyadiisa kala duwan.
Shirkadda Greencom waxay sheegtay iney dooneyso iney isticmaasho teknooloojiyadda GTL oo gaaska dareere u baddalo kaddibna ay soo saarto Gaaska iyo Saliidda. Soo saaridda iyo kala saaridda shidaalka lacagta ku baxeysana waxaa lagu qayaasay 2 bilyan oo doolar.