Hargeisa ( HM )-Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga ucid oo dhowaan Nairobi uga Qayb galay shir looga hadlay Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa dib ugu soo noqday Hargeisa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin ayaa siwayn u dhaliilay Xubnaha Faysal kamid yahay ee ka Qayb galay shirka Nairobi.
“Siyaasiyiintii Qaarbaa ku milmay Soomaaliya, oo Nairobi shirar uga Qayb galay”.
Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe oo iska difaacay eedaynta uga timid Maxamed Kaahin, Wuxuuna tilmaamay inuu shaqadii isaga laga doonayey uu hayo.
“Arinta Soomaaliya marka doorasho jirto waxaa ku jira dalal badan, oo dano ka leh, Balse waxa kasoo baxa inaga ayuu saamayn inagu leeyahay, Markaa waxaanu ka qayb galay shirka beesha Dir si Codka Xildhibaanada aanu ugu biirino Qof khayr leh.
“Maanta wasiirkii aan shaqadiisa hayey ayaa i naqdiyana, Faysal ayaa shir ka qayb galay dhib maleh, Balse Somaliland waxay ku burburaysaa hogaan Xumo, socon mayso in sidii goroyada inaad madaxa ciida gashataa” Ayuu yidhi Faysal oo xusay inay Gacan ka gaysan doonaan Doorashooyinka Soomaaliya.
Horufadhi News