Muqdisho ( HM) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Shirka London ee Arimaha Shidaalka uu daba-joogo Shir kan ka horeeyay oo lagu qabtay dalkaasi, islamarkaana lagu soo bandhigay Cilmi baadhis lagu sameeyay Shidaalka Soomaaliya Xiligii Dowladdii Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas lagu soo bandhigayo warbixin ku aadan shidaalka Soomaaliya basle aysan jirin wax la iib geynayo. Wararka sheegaya in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu ku sheegay in aysan xaqiiq ahayn oo ay tabiyeen Mucaaradka dowladiisa.
“Ma jirto shidaal la iibinayo iyo wax la xaraashayo, Shirkaas waxa uu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigayo daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxwaynaha ayaa xusay inay muhiim tahay in Caalamka la Tuso Khayraadka aynu Haysano “Ma jiraan Dano shaqsi ah oo aan ka leeyahay, Xukuumadda aan Hogaamiyo maaha mid Ganacsi, Shaqada Qaranka iyo ganacsi la isma dhex gelin karo, Ummada Soomaaliyeed ayaa Ammaano noo dhiibtay “.