Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda.
Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta dalka iyo nabadeynta dalka.