WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Sucuudiga oo xanibtay Markab Xoolo ka qaaday Soomaliland-Video

Laascaanood (HM ) Boqortooyada Sacuudiga  ayaa Xanibtay Markab waday xoolo Ahi u badan oo gaaraya 20 kun oo Neef, kaasoo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Maamulka Somalliland, kana baxay magaalada Berbera.

Markabkan oo ku xidhay Dekadda Magaalada Jiddah ayaa lagu amray inuu dib u laabto ka dib mar laga waayey  warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka Somalia bixiso, Iyadoo Dawladda Sucuudiga ay horay arintaasi u sheegtay.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga uu Xanibay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland, isagoo sheegay in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka Somalia,  Wuxuuna eedayn u jeediyey Dawladda dhexe ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sucuudiga ayaa dhawaan ku wargeliyay Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahan yahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka Somalia.

Hase ahaatee Somaliland ayaa arrintaas ku gacan seydhay iyadoo Ganacsatada Maamulkaas Sacuudiga u dhoofiyeen Markab 20 kun oo Neef oo Ari ah wada, balse Sacuudiga ayaa sida muuqata ku adkeysanaya in warqadaas la helo.

SOMALI NEWS

To Top