Muqdisho (HM)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war-hayaan qaar ka mid ah sharkaddihii loogu tala-galay in ay dabaabulaan xujeyda Soomaaliyeed si qaldan adeegyadii lagama maar—maanka u ahaa qofka xaajiga ah.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in guddi ay dowladdu u saartay la socodka xaalada xujeyda ogaadeen in jiraan shirkaddo dayac weyn u geystay xujeyda Soomaaliyeed.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Waxaan ogaanay in shirkaddaha qaarkood sameeyeen qaladaad dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxaa ay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.
Tirada shirkaddahan ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa afar shirkaddood, islamarkaana dowladdu ku qaadi doonto tallaabada ku haboon.