Muqdisho (HM) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Maxamed Siciid Cabdullaahi oo maanta u warramayey warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan cudurka Coronavirus.
Wasiir ku xigeenka ayaa marka hore shaaciyey in dalka, gaar ahaan magaalada Muwqdisho uusan oolin qalab caafimaad oo lagu ogaan karo cudurka Coronavirus!.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in muwaadinka Soomaaliyeed ee laga helay cudurka, muunada laga qaaday loo diray dalka dibaddiisa, sidaasina lagu ogaaday in uu qabo caabuqa coronavirus.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale wuxuu beeniyey weerar la’isla dhex-marayey baraha bulshada oo sheegayey in qof labaad oo qaba xanuunka lagu arkay isbitaal Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa xusay in ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaallo xooggan, isagoona ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhankooda taxadar muujiyaan.
Soomaaliya oo laga helay kiis ka mid ah xanuunkaa COVID19 ayaa waxa ay haatan dad badan wal-wal ka muujinayaan halista cudurkaan, maadaama dowladda federaalka aysan heysan qalabkii loogu tala galay in looga hortago cudurka iyo kuwa karantiilka intaba.
Coronavirus oo markii sii hore ka soo bilowday Shiinaha ayaa si weyn ugu baahay dunida inteeda kale, wuxuuna sababay in wadamadu ay kala xirtaan xuduudaha.
Horufadhi News