Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa marka hore u Hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaliland iyo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalintii shalay loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Somaliland 5 Sano ee soo socota,waxaana la tartamayey Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu ka guuleystay.
Ku Xigeenka Ra,iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta warbaahinta kula hadlayey Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Muuse Biixi yahay Nin karti leh isla markaana wax badan ka yaqaana xaaladda Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa uu ku dheeraaday isaga oo hadalkiisa sii wata ahmiyadda ay leedahay Doorashadii ka dhacday Soomaaliland in cashar laga barto maadaama buu yidhi Soomaaliya ay doonayso in ay 2020 qabato Doorasho Qof iyo cod ah.
“Waxaan si dhow ula socoday Doorashadii oo ay ka muuqatay isku dulqaasho Siyaasadeed iyo ilbaxnimo dheeraad ah oo ay muujiyeen Xisbiyadii tartamayey ee Sadexda Xisbi Taageerayaashooduba,ayna dhamaantood si nabad galyo ah kusoo Bandhigayeen Barnaamijka ay doonayaan in lagu doorto,Balan qaadka ay u sameynayaan shacabka iyo wax qabadka ay rabaan in ay tartanka kaga qayb galaan,Waa guul usoo hoyatey dhaamaan Shacab weynaha Somaaliyeed meel kasta oo uu joogo,, ayuu yidhi.
Waxaa uu intaas ku daray isaga oo waliba ku celcelinaya in uu rejo wanaagsan ka qabo in dib ay u bilaabmaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland,waxaana uu sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ba arrintaas in badan ka hadlay.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland intii uu Madaxweynaha ahaa Madaxweynaha hada xilka wareejinaya ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa dhexmaray wada hadalo dhowr ah walow aysan marnaba kasoo bixin wax la isla meel dhigay iyo qorshe cad.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Lama oga qaabka iyo xidhidhka wada shaqeyneed iyo Midka Siyaasadeed ee dhexmari doona Maamulka Xukuumadda cusub ee uu Muuse Biixi soo dhisi doono iyo Dowladda Soomaaliya ee uu Hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyadoo la ogyahay in uu Muuse Biixi yahay Nin aad uga fog Mabda,a Soomaali weyn.
Horufadhi Media-Muqdisho ,Soomaaliya.