Muqdisho (HM)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow `ayaa sheegay in dowlada aysan aqbalaynin banaanbaxyada laga soo abaabulo baraha bulshada sida Facebook.
Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga oo la hadlayay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Muqdisho lagu marin habaabinayey in banaanbax uu ka dhacayo Muqdisho taasina aan waxba ka jirin.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Nabadiina ka shaqeysta annagana har iyo habeen waxaan nafteena u hureyno in amniga laga shaqeeyo.”ayuu yiri Wasiirka Amniga Ducaale.
Ugu dambeyntii ayaa wasiirka Amniga waxa uu ka dalbaday Shacabka ku nool magalada Muqdisho inay laamaha amniga kala Shaqeeyaan sugida Amniga caasimadda.