WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo diiday qodobo ku jiray shirkii wadatashiga Puntland ee Garoowe-Video

Garoowe (HM)-Wafdigii dowlada federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalay Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa maanta oo Jimce ah warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda oo u hadlay wafdiga, ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan go’aankii madaxweyne Saciid Deni ku sheegay in uu tegayo Magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Deni ayuu daboolka ka qaadey in uu kulmi doono madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Khayre “si loo xaliyo wixii khilaaf ah ee jira”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdiga ayuu tibaaxay in uu madaxweynaha Puntland ku bogaadinayo qabashada Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Ka qeybgaleyaasha madasha oo socotay saddex casho ayey ku ammaaneyn “sidda xilkasnimada, wax-garadnimada leh oo ay shirka uga qeybgaleen”.

Sidda laga soo xigtay wasiir Cawad, wafdiga wuxuu soo dhaweeyay go’aandii kasoo baxay shirka gaar ahaan qodobada ka hadlay midnimada Ummadda, ammaanka iyo horumarka Puntland.

“Qodobka shanaad, waxaan diiddan-nahay go’aamada lagu sheegay war-murtiyeedka shirka kasoo baxay, qeybta ku saabsan Dowladda Federaalka oo aan ka turjumin hadal-soo-jeedintii iyo doodihii shirka,” ayuu Cawad yiri, isagoo raaciyey “Waxaan ka xunahay oo aan rabnaa in aan halkaan ka caddeyno erayadii xanafta lahaa ee war-murtiyeedku kusoo baxay ee loo geystay dowlad goboleedyadda kale, taas oo aan qeyb ka ahayn ajendihii shirka kuna jirin hadal-soo-jeedintii wafuuda kuna jirin doodihii shirka”.

Ugu dambeyntii, wafdiga ayaa wuxuu guul u rajeeyay in wadahadalada lagu waddo in ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaanka xukuumada Puntland.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top